Turkiga oo Maraykanka la saxiixday heshiis uu ku iibsanayo diyaaradaha dagaalka ee F-16

14 June, 2024

Turkiga iyo Mareykanka ayaa saxiixay qandaraas lagu iibinayo diyaaradaha dagaalka ee F-16 ka dib markii Washington…

Turkiga iyo Mareykanka ayaa saxiixay qandaraas lagu iibinayo diyaaradaha dagaalka ee F-16 ka dib markii Washington ay shaacisay heshiiska 23 bilyan oo doolar ka dib bilo wada xaajood ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Turkiga.

Sida ku cad heshiiska, Turkigu wuxuu heli doonaa 40 cusub oo F-16 ah iyo casriyeyn ilaa 79 kamid ah diyaaradaha dagaalka ee hadda heysato.

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa todobaadkii hore bogaadisay “tallaabo weyn oo hore loo qaaday” iibsashada Turkiga ee diyaaradaha cusub ee F-16 oo ay ku tilmaantay “F-16-kii ugu horumarsanaa ee abid oo loogu talo galay oo kaliya xulafadooda ugu dhow.”

Horseed Media