Wasiirka Tamarta ee Turkey, Alparslan Bayraktar ayaa muuqaal uu baahiyey lagu sheegay in maanta markabka qodista…

Wasiirka Tamarta ee Turkey, Alparslan Bayraktar ayaa muuqaal uu baahiyey lagu sheegay in maanta markabka qodista shidaalka ee casriga ah ee Jaara Bey Çağrı Bey, u soo ambabaxay Soomaaliya si uu u bilaabo hawlgallo qodis shidaal iyo gaas dabiici ah.
Markaan oi ka shiraacday dekedda Mersin Port, isagoo ku soo jeeda xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan badweynta Hindia oo uu horay Turkigu uga sameeyey shidaal baaris iyo sahmin heerkeedu sarreeyo.
Tallaabadaan ayaa loo arkaa bilowga marxalad cusub oo iskaashi dhaqaale iyo horumarineed u dhexeysa Somalia iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada tamarta, amniga, iyo horumarka waara.
Turkiga ayaa horay Somalia ugu soo diray saddex kamid ah diyaaradihiisa dagaalka ee F16, kuwaas oo qayb ka qaadan doona difaaca danihiisa ganacsi iyo iskaashi ee uu ka samaynayo qaybo kamid ah Soomaaliya.



