Turkiga oo qorshaynaya inuu Villa Somalia ku qanciyo heshiis siyaasadeed.

Warar hoose oo warbaahintu heshay ayaa sheegaya in dowladda Turkigu ay waddo qorshe ay wafdi sare…

23 May, 2026

Warar hoose oo warbaahintu heshay ayaa sheegaya in dowladda Turkigu ay waddo qorshe ay wafdi sare ugu soo direyso Muqdisho maalmaha ciidda kadib, si ay Madaxda dowladda federalka ah ee Somalia uga hadli lahaayeen sidii heshiis looga gaari lahaa khilaafka ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka.

Ilo xog ogaal ah ayaa tilmaamaya in toddobaadyadii lasoo dhaafay mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda iyo hay’adaha sirdoonka Turkiga ay kulamo la yeesheen xubno mucaarad ah iyo ergayaal ay soo dirsadeen, iyagoo u xaqiijiyey Ankara aysan si gaar ah ula safnayn dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh, balse ay daneynayso xal loo dhan yahay.

Dhaqdhaqaaqyada cusub ee Turkiga ayaa loo fasiranayaa in Ankara ay dareentay culeyska sii kordhaya ee khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya, isla markaana aysan doonayn inay garab noqoto, tallaabadaasi oo ku qasabtay inay dib u eegto siyaasaddeedii hore.

Turkiga ayaa muddooyinkii dambe wajahayey eedaymo la xiriira faragelin gudaha ah oo ay ku hayso arrimaha siyaasadda Soomaaliya, iyadoo siyaasiyiin uu Lafta-gareen ugu horreeyo ay siweyn u dhaliileen doorka Ankara, iyagoo ku eedeeyay inay qeyb ka noqotay khilaafaadkii siyaasadeed ee sababay isbeddellada maamulka Koonfur Galbeed.