Turkiga oo taageeray guulaha xoogaga mucaaradka Suuriya

6 December, 2024

Isagoo ka hadlaya arrimaha muhiimka ah ee gobolka, oo ay ku jiraan xaaladda ka socota Suuriya, madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa jimcihii u rajeeyay duulaanka xoogagga mucaaradka ee ku wajahan Dimishiq inay sii socdaan.

“…Idlib, Xama, Xums, iyo bartilmaameedka, dabcan, waa Dimishiq, mucaaridku socodkoodu wuu socdaa, waxaan u rajeenayaa inay dhib la’aan gaaraan…”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale muujiyay sida uu uga xun yahay hoggaanka Suuriya, isagoo yiri: “Waxaan ugu yeernay (Bashaar Al) Assad wadahadal, balse nasiib daro waa diiday.”

Dhanka Lubnaan, Erdogan waxa uu iftiimiyay duruufaha qalafsan ee dalka ka jira, waxaanu yidhi: “Lubnaan waxa ay ku jirtaa xaalad aad u adag, wax kastaaba waa burbursan yihiin, waxa jira codsiyo gargaar ah, iyadoo dunidu ka aamusan tahay, waanu sii wadi doonaa caawimadayada”.

Isagoo ku baaqaya midnimada Lubnaan, madaxweynaha ayaa dib u xaqiijiyay sida ay Ankara uga go’an tahay inay taageerto qaranka Lubnaan oo ay dhibaatadu ka dhacday.

Horseed Media