Turkiga oo u jawaabey Netanyahu ayaa sheegay inuu yahay rajada Gaza.

30 June, 2026

Maalin kahor Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa warbaahinta u sheegay inuu si dhab ah u…

Maalin kahor Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa warbaahinta u sheegay inuu si dhab ah u qaadanayo waxa uu ku tilmaamay hanjabaado uga imanaya Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, wuxuuna xusay in hadallada Ankara ay yihiin kuwo u baahan feejignaan iyo diyaar-garow amni.

Waxa uu tilmaamay in Israa’iil iyo Mareykanku ay si wadajir ah ugu diyaar-garoobayaan inay iska caabiyaan khatar kasta oo ka iman karta Turkiga, haddii ay xaaladdu sii xumaato, sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kalena, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegay in dalkiisu yahay rajada ugu weyn ee ay indhaha ku hayaan dalal iyo bulshooyin badan oo dunida Muslimka ah, isagoo xusay in Ankara ay sii wadi doonto doorkeeda ku aaddan taageerada shacabka iyo dowladaha wajahaya caqabadaha amni iyo bani’aadannimo.

Erdogan, waxa uu carrabka ku adkeeyay in Turkigu uu sii xoojin doono dadaalladiisa ku aaddan difaaca danaha dunida Islaamka iyo taageerada shacabka ku nool deegaannada ay saameeyeen colaadaha iyo dhibaatooyinka, “Waxaan nahay rajada keliya ee ay sugayaan Muqdisho, Qasa, Khartuum, Dimishiq, Bayruud, Baqdaad iyo Muslimiinta oo dhan.”