Dowladda Turkiga ayaa shaaca ka qaadday inay soo saartay amar lagu xirayo dadka lagu tuhunsan yahay…

Dowladda Turkiga ayaa shaaca ka qaadday inay soo saartay amar lagu xirayo dadka lagu tuhunsan yahay xansuuqii Qasa oo kuu kamid yahay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo mas’uuliyiin kale oo sare oo katirsan maamulka Israel.
Liiskaan oo ka kooban 37 tuhmane ayaa waxaa ku jira Wasiirka Difaaca Yuhuudda Israel Katz, Wasiirka Amniga Qaranka Itamar Ben-Gvir iyo taliyaha ciidamada Jeneraal Eyal Zamir, sida lagu sheegay bayaan Jimcihii ka soo baxay xafiiska dacwad oogaha Istanbul.
Maamulka xafiiska dacwadaha Turkiga ayaa shaqsiyaadkaasi ku eedeeyey “xasuuq iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha” oo Israa’iil ay “si nidaamsan u fulisay” dagaalkii ay ku qaaday Gaza tan iyo Oktoobar 2023.
“Weerarkii Oktoobar 17, 2023, ee lagu qaaday Isbitaalka Al-Ahli Baptist wuxuu galaaftay nolosha 500; Febraayo 29, 2024, askarta Israa’iil waxay si ula kac ah u burburiyeen qalab caafimaad; … Gaza waxaa la geliyay xayiraad, dhibanayaashana waxaa loo diiday inay helaan gargaar bani’aadamnimo,” Ayaa lagu daabacay qoraalka.



