Xafiiska dacwad oogaha Ankara ayaa sheegay in la xiray 209 qof, halka 32 kalena ay weli baxsad yihiin. Turkiga ayaa ku dhawaaqay mamnuucidda dibadbaxyada iyadoo la isku diyaarinayo shir madaxeedka NATO ee bisha soo socota ka dhici doona caasimadda.

Ciidamada amniga Turkiga ayaa Talaadadii xiray in ka badan 200 oo qof oo looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin kooxda isku magacawday Dowladda Islaamiga ah iyo kooxaha kale ee Ankara ay u aragto ururada argagixisada, sida ay sheegeen dacwad oogayaashu.
Hogaamiyayaasha NATO ayaa isugu imaan doona caasimadda Turkiga ee Ankara si ay uga qayb galaan shir madaxeedka sanadlaha ah ee Isbahaysiga bisha soo socota, dowladduna waxay bilowday hirgelinta tallaabooyinka amniga iyo xoojinta booliiska.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo hoggaamiyeyaasha 31-ka waddan ee kale ee xubnaha ka ah ayaa la filayaa inay ka qayb galaan shir madaxeedka dhacaya 7 iyo 8 Luulyo.
Hawlgallo ay booliisku ku raadinayaan tuhmanayaasha ayaa socday.
Xeer illaalinta ayaa sheegtay in 56 kamid ah dadka la xiray ay ahaayeen xubno lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin kooxda la magac baxday Dowladda Islaamiga ah, 35 kalena ay ka tirsanaayeen Xisbiga Xoreynta Dadka Kacaanka/Front (DHKP-C), oo ah koox shuuci ah oo Turkigu u aqoonsaday urur argagixiso ah oo sheegatay mas’uuliyadda weerarro horey dalkaasi uga dhacay.




