Xiisadda dagaal ee dagalka Yemen ayaa sii xoogaysatey xilli ciidamada dowladda Yemen ay sheegeen inay horumar…

Xiisadda dagaal ee dagalka Yemen ayaa sii xoogaysatey xilli ciidamada dowladda Yemen ay sheegeen inay horumar ka sameeyeen xeebaha Badda Cas iyo agagaarka marinka istiraatiijiga ah ee Baabul-Mandab, iyagoo la wareegey goobo muhiim ah oo ay ku jirto magaalada Mokha, inkastoo ay arrintaasi beeniyeen xoogagga Xuutiyiinta oo sheegay inay weli gacanta ku hayaan furaha marin-biyoodka muhiimka ah ee Baba Al-mandeb.
Howlgalkan cusub ayaa dowladda Yemen ugu magac dartay “Waqtiga Soobixitaanka Qorraxda Yemen”, waxaana la sheegay in in ka badan 100 diyaaradood oo dagaal ah ay ka qeyb qaadanayaan duqeymaha ay isbahaysiga Sacuudigu ka fulinayaan goobaha ay Xuutiyiintu maamulaan, iyadoo siweyn loo hala keeyey xarumaha militariga iyo goobaha muhiimka ah ee Xuutiyiinta.
Dhanka kale, Xuutiyiintu waxay kordhiyeen weerarrada ay ku qaadayaan Sacuudiga, iyadoo warbixinno cusub ay sheegayaan in gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn lagu bartilmaameedsaday goobo ay ka mid yihiin xarumaha tamarta iyo bartilmaameedyo kale oo istiraatiiji ah, tallaabadaasi oo sii kordhisay walaaca laga qabo in dagaalku saameeyo kaabayaasha tamarta iyo isu-socodka ganacsiga ee gobolka.
Dhanka kalena, Maraykanka ayaa muwaadiniintiisa ku sugan Safaaradda Mareykanka ee Riyadh iyo qunsuliyadaha dalkaas ayaa ku booriyay inay feejignaadaan, maadaama ay jirto suurtagalnimada weerarro loo adeegsado diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo, ayna raacaan digniinaha iyo tilmaamaha ay bixiso Difaaca Madaniga ah ee Sacuudiga.
Isbahaysiga cusub ee Sacuudiga, Turkiga iyo Pakistan ayaa ku heshiiyey in la dhaqan-geliyo qodobbada difaaca wadajirka ah ee Heshiiska Maka, kaas oo dhigaya in weerar lagu qaado midkood ay jawaab midaysan ka bixiyaan isla markaana ay iska caawiyaan difaaca dhinacyada.
Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa muujisay walaac ku saabsan baahitaanka dagaalka, iyadoo sidoo kale soo jeedisay in arrinta Xuutiyiinta loo raadiyo waddo siyaasadeed, xilli Wasiirka Arrimaha Dibadda Pakistan uu sheegay in xubnaha Heshiiska Maka ay ka wada hadli doonaan soo jeedinta Iran iyo suurtagalnimada in wadahadal siyaasadeed lala yeesho Xuutiyiinta.




