Ugaas Yuusuf oo ku dhawaaqay in reer Hiiraan qaadan doonaan go’aamo xasaasi ah oo fulin u baahan.

Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, oo kamid ah isimada dhaqanka Soomaaliyeed gaar ahaan gobolka Hiiraan…

14 September, 2026

Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, oo kamid ah isimada dhaqanka Soomaaliyeed gaar ahaan gobolka Hiiraan ayaa markii ugu horraysay ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee Hirshabeelle iyo qorshaha bulshada gobolka Hiiraan, kadib markii ay soo ifbaxday in markale Madaxweynaha Hirshabeelle uu qaban doono Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen.

Mar uu bulshada kula hadlay Magaalada Beledweyne ayuu Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, sheegay in bulshada gobolka Hiiraan ay tashan doonaan lana soo saari doono go’aamo xasaasi ah oo quseeya xaaladda guud ee Hirshabeelle iyo mustaqbalka deegaamada gobolka Hiiraan.

“Waan tashanaynaa, go’aanno adag oo masiiri ahna waan qaadanaynaa, ninkii hub haya, ninkii dhaqaale haya iyo ninkii xoog haya dhammaan waa inaad u diyaarawdaan fulinta go’aamada masiiriga ah ee aan ku qaadan doono kulamada aan ku qaban doonno deegaanka”, Ayuu yiri Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Dhanka kalena, Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar, oo dhawaan qaadacay musharaxnimada xisbiga JSP ee Hirshabeelle iyo qaadashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka oo uu sheegay inuu yahay magac aan qalinkiisu waxba goyn meeqaam dowladeedna ugu fadhin shacabka gobolka Hiiraan.

“Calanka Hirshabeelle ayaa noo calan ah, Fowdo ma rabno, Anaga waxbaan tabanaynaa, DFS &Dowladda Hirshabeelle oo aan kamid nahay ayaan ka tabanaynaa”, Ayuu yiri Madaxweyne ku-xiegenka maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.