Dadka Uganda ayaa u dareeraya goobaha codbixinta iyagoo ku jira jawi cabsi ah Khamiistii, iyadoo Madaxweyne Yoweri Museveni uu doonayo inuu markale xukunka qabto markii 7aad.

Doorashadu waxay dhacaysaa iyadoo internetka laga mamnuucay dalka oo dhan.
Xayiraada Internetka ayaa bilaabatay Talaadadii si looga hortago faafitaanka “macluumaad khaldan” iyo “kicinta rabshadaha,” inkastoo dowladdu ay horey ugu celcelisay ballanqaadka inaysan jari doonin isgaarsiinta.
Dad badan ayaa safaf dhaadheer isugu soo baxay meelaha qaar iyadoo dib loo dhigay furitaanka goobaha codbixinta, halka goobo kale agabka codbixintana la keenayay wakhti danbe.
Goob kale oo codbixin ah oo ku taal caasimadda, codbixiyayaasha ayaa sheegay in mas’uuliyiintu ay ugu dambeyntii go’aansadeen inay ka tagaan isticmaalka mashiinnada xaqiijinta codbixiyayaasha si loo bilaabo codbixinta oo dib dhac ku timid.

Doorashadan ayey Madaxweyne Museveni la tartamayaan toddobo musharax oo kale oo uu ku jiro fanaanka caanka ah ee Bobi Wine oo muddo dheer lasoo tartamayay.
Afartan sano ee uu xukunka hayay Museveni oo ah 81 sano jir, waxaa lagu eedeeyay xadgudubyo baahsan oo ciidamada amniga ay u geysteen dadka kasoo horjeeda.

Xafiiska Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa toddobaadkii hore sheegay in doorashooyinku ay markale saameeyeen “caburin iyo cabsigelin ballaaran” oo ay xukuumada shacabka ku heyso.



