Uganda oo bilowday ka bixitaanka ciidamadeeda Soomaaliya, qorshuhuna yahay in la soo afjaro joogitaankooda 2027

Dowladda Uganda ayaa si rasmi ah u shaacisay inay bilowday dhimista iyo ka bixitaanka ciidamadeeda ku…

2 November, 2026

Dowladda Uganda ayaa si rasmi ah u shaacisay inay bilowday dhimista iyo ka bixitaanka ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya, kuwaas oo muddo ku dhow labaatan sano ka qeyb qaadanayay howlgallada amniga ee dalka, tallaabadaas oo qayb ka ah qorshe ay Uganda ku soo afjarayso joogitaankeeda milatari ee Soomaaliya, iyadoo ciidamadeedu ku joogaan heshiisyo ay la gashay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo howlgalka Midowga Afrika.

War-saxaafadeed uu soo saaray Gaashaanle Sare Chris Magezi, Ku-simaha Agaasimaha Warfaafinta Ciidamada Difaaca Uganda (UPDF), ayaa lagu sheegay in kooxdii ugu horreysay ee ciidamada Uganda ee qeybta ka ah qorshaha ka bixitaanka ay dib ugu laabatay dalkooda, iyadoo la sheegay in hawsha ka bixitaanka ciidamada ku jooga heshiiska laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Uganda la filayo in maalmaha soo socda la dhammaystiro.

Qorshaha guud ee Kampala ayaa dhigaya in dhammaan ciidamada Uganda ee Soomaaliya, kuwa ku jooga heshiisyada gaarka ah iyo kuwa qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), ay dalka isaga baxaan dhammaadka sannadka 2027.

Ka bixitaanka ciidamada Uganda ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay waddo qorshaha la wareegidda mas’uuliyadda amniga, iyadoo ciidamada Midowga Afrika ay weli qeyb ka yihiin dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, iyadoo dalalka Africa walaac ka muujinayaan bixitaanka ciidamada qaybta ka ah AUSSOM.