Uganda oo lagu warramay inay ciidamo u diri karto howlgalka la qorsheynayo ee Marinka Gaza

Dowladda Uganda ayaa lagu warramay inay mabda’ ahaan oggolaatay inay ciidamo ku biiriso howlgal caalami ah…

15 July, 2026

Dowladda Uganda ayaa lagu warramay inay mabda’ ahaan oggolaatay inay ciidamo ku biiriso howlgal caalami ah oo la qorsheynayo in laga hirgeliyo Marinka Gaza, kaddib codsi la sheegay inuu uga yimid Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump.

Sida uu daabacay wargeyska dowladda Uganda ee New Vision, oo soo xigtay ilo sare oo ka tirsan ciidamada, Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa si wanaagsan uga jawaabay codsiga ku saabsan in Uganda ay qeyb ka noqoto Ciidanka Xasilinta Caalamiga ah ee loo qorsheynayo Gaza.

Wararka ayaa tilmaamaya in howlgalkaasi uu diiradda saari doono sugidda amniga, ilaalinta shacabka rayidka ah, fududeynta gaarsiinta gargaarka bani’aadannimo iyo taageeridda dadaallada dib loogu dhisayo Marinka Gaza, oo muddo dheer ay saameeyeen dagaallo iyo burbur.

Ilo-wareedyadu waxay sheegeen in qorshaha uu weli ku jiro marxalad diyaar-garow ah, isla markaana ay socdaan wada-tashiyo la xiriira qaabka loo hirgelin doono howlgalka iyo waddamada ka qeyb qaadan doona.

Dhanka kale, Taliska Ciidamada Difaaca Uganda (UPDF) ayaan weli si rasmi ah u shaacin xilliga la diri doono ciidamada ama tirada askarta loo qorsheeyay inay ka qeyb galaan howlgalka.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Uganda ayaa sheegay in go’aanka kama dambaysta ah uu gacanta ugu jiro Madaxweyne Yoweri Museveni, kaas oo la filayo inuu go’aan rasmi ah ka gaaro marka la soo gabagabeeyo qiimeynta iyo wada-hadallada socda.