Uganda oo ogolaatay heshiiska muhaajiriinta laga soo tarxiilayo Mareykanka

Uganda ayaa sheegtay in ay aqbali doonto qaar ka mid ah muhaajiriinta laga soo tarxiilo Mareykanka, balse aan la aqbali doonin kuwa dambiilayaasha ah. Maamulka Trump ayaa horay muhaajiriinta ugu tarxiilay dalalka saddexaad ee Eswatini iyo Suudaanta Koonfureed.

21 August, 2025

Uganda ayaa ogolaatay inay qaabisho dadka muhaajiriinta ah ee laga soo tarxiilo dalka Mareykanka, iyadoo heshiis lala galay maamulka madaxweyne Donald Trump.

“Tani waa hab ku meel gaar ah oo shuruudo leh, oo ay ka mid yihiin in aan la aqbali doonin shakhsiyaadka leh diiwaanka dembiyada iyo carruurta aan lala socon,” Vincent Bagiire Waiswa, xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Uganda, ayaa ku sheegay bayaan maanta oo Khamiis ah.

Uganda ayaa sheegtay in ay door bidayso inay qaabisho shaqsiyaadka haysta dhalashada dalalka Afrika sida lagu qoray heshiiska.

Heshiiska ayaa markii ugu horreysay Talaadadii uu shaaciyey telefishinka CBS News, oo sheegay in Mareykanka uu heshiis kan la mid ah la gaaray Honduras, taasoo qeyb ka ah dadaallada lagu kordhinayo masaafurinta muhaajiriinta.

Uganda, oo ah xulafada Mareykanka ee Bariga Afrika, ayaa horey u martigalisay ku dhawaad ​​2 milyan oo qaxooti iyo magangalyo doon ah, kuwaas oo badi ka yimid wadamada ku dhow sida Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, South Sudan, Soomaaliya iyo Sudan.

Ma ahan markii ugu horeysay ee maamulka Trump uu muhaajiriinta u tarxiilo dalal seddexaad.

Bishii Luulyo, Mareykanka ayaa u tarxiilay shan nin oo dambiyo galay dalka boqortooyada Eswatini ee koonfurta Afrika, wuxuuna siddeed kale u diray South Sudan.

Dowladda Rwanda ayaa sidoo kale sheegtay in ay ogolaatay in maxaabiista muhaajiriinta ah ee laga tarxiilayo Mareykanka.