Ciidamada ammaanka dalka Uganda ayaa xabsiga u taxaabay Moses Mujurizi, oo lagu tuhunsan yahay inuu ku…

Ciidamada ammaanka dalka Uganda ayaa xabsiga u taxaabay Moses Mujurizi, oo lagu tuhunsan yahay inuu ku lug lahaa dilka 38 qof intii u dhexeysay sannadihii 2010 iyo 2025, sida uu sheegay taliyaha ciidamada difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba.
Muhoozi ayaa qoraal uu baahiyey ku sheegay in tuhmanaha lala xiriirinayo dilal ka dhacay deegaannada Masaka, Ibanda iyo Kazo, iyadoo lagu eedaynayo dilka dadka la laayey iyo cunista meydadkooda, inkasta oo faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan caddeymaha kiiska aan lagu sheegin xogta la baahiyay.
Warbixin ay daabacday warbaahinta Daily Monitor ayaa sheegtay in ninkan lala xiriiriyay dilal taxane ah oo ka dhacay gobolka Greater Masaka, gaar ahaan sannadihii 2012 iyo 2013, iyadoo ay laamaha ammaanku baaritaano kala duwan ku sameeyeen tobanaan kiis oo noocaan ah.
Warbixinnadii hore ayaa sidoo kale tilmaamay in tuhmanaha marar kala duwan ay gacanta ku dhigeen ciidamada ammaanka, balse uu markii dambe ka baxay gacanta hay’adaha amniga xaalado muran dhaliyay, iyadoo boolisku sheegeen inay dib u eegayaan galal la xiriira dilalkii hore, si loo ogaado in ninkan ama dad kale ay ku lug lahaayeen.
Dhanka kale, warbixin ay baahisay Uganda Radio Network ayaa lagu xusay in nin lagu magacaabo Fred Mujulizi, oo sidoo kale loo yaqaan Kulaish Kamugisha, iyo eedeysane kale la horgeeyay maxkamad, iyagoo wajahaya eedeymo la xiriira dil iyo ka ganacsiga dadka.




