Ugu yaraan 50 qof ayaa dhimatay kadib markii dooni siday 75 Qaxooti Suudaani ah ay ku gubtay meel u dhow xeebaha Liibiya Axadii, sida ay sheegtay Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM.

Hay’adda socdaalka Qaramada Midoobay ayaa sheegtay Talaadadii in ay taageero caafimaad siisay 24 qof oo badbaaday.
Bishii hore, ugu yaraan 68 qof oo qaxooti iyo tahriibayaal ah ayaa ku dhintay tobanaan kalena waa la la’yahay ka dib markii ay doon ku degtay xeebaha Yemen, sida ay sheegtay IOM.
Ugu yaraan 2,452 muhaajiriin ama qaxooti ah ayaa ku dhintay ama lagu waayay badda Mediterranean-ka sanadkii hore, sida ay sheegtay IOM, taasoo ka dhigtay mid ka mid ah waddooyinka ugu halista baddan ee qaxootiga.
Masiibadan ayaa ahayd tii ugu dambeysay ee soo gaarta qaxootiga iyo muhaajiriinta ka soo gudbaya badda Mediterranean-ka ee halista badan ee Afrika uga sii gudbaya Yurub.
Bishii Agoosto, ugu yaraan 27 qof ayaa ku dhintay ka dib markii laba doonyood ay ku degeen jasiiradda Lampedusa ee koonfurta Talyaaniga, halka bishii June, ugu yaraan 60 qaxooti iyo muhaajiriin ah laga cabsi qabo in la la’yahay oo ay ku qaraqmeen badda ka dib markii laba markab ay ku degeen xeebaha Liibiya.
Kooxaha xuquuqul insaanka iyo hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa diiwaangeliyay tacaddiyada joogtada ah ee ka dhanka ah qaxootiga iyo muhaajiriinta ku sugan Liibiya, oo ay ku jiraan jirdil, kufsi iyo baad.



