Ugu yaraan 86 qof ayaa ku dhintay bartamaha Nigeria ka dib markii booyad shidaal ay qaraxday

19 January, 2025

Ugu yaraan 86 qof ayaa ku dhintay badhtamaha Nigeria Sabtidii kadib markii booyad shidaal oo rogmatay uu dab qabsaday.

Tirada dadka ku dhintay qarixii ka dhashay booyad shidaal dalka Nigeria oo ay ku dhinteen dad u ordayay inay shidaal dhaansadaan ayaa gaartay 86, sida ay sheegeen kooxaha gurmadka

Gaariga xamuulka ah oo siday 60,000 litir oo shidaal ah ayaa qarxay kadib markii uu ku rogmaday wado ku taal bartamaha dalka sabtidii, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

“Tirada ugu dambeysa ee dhimashadu waa 86 qof oo ku dhintay qaraxa booyada ah,” ayuu yiri Ibrahim Audu Husseini, afhayeenka hay’adda maareynta xaaladaha degdegga ah ee gobolka Nigeria.

“Waxaan aasnay ​​86 mayd oo gubtay intii u dhaxaysay 12:00 duhurnimo ee shalay ilaa 2:00 duhurnimo ee maanta,” ayuu yidhi.

Wuxuu sheegay in 52 qof oo kale ay “gubasho daran kasoo gaartay qaraxa”.

Qaraxa ayaa ka dhacay isgoyska Dikko ee wadada xiriirisa caasimadda federaalka ee Abuja iyo magaalada waqooyiga ku taalla ee Kaduna.

Kadib markii uu xukunka la wareegay 2023, Madaxweyne Bola Tinubu waxa uu baabi’iyay kabiddii shidaalka, isagoo kor u qaaday kharashaadka cuntada iyo gaadiidka.

Tinubu ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay qaraxa ka dhacay booyada shidaalka, qoraal kasoo baxay xafiiskiisa ayaa lagu yiri Axadii.

Bishii Oktoobar, in ka badan 170 qof ayaa ku dhintay shil kan la mid ah oo ka dhacay gobolka Jigawa, ee waqooyiga Nigeria.

Sannadkii 2020, Hay’adda Nabadgelyada Waddooyinka ee Federaalka waxay sheegtay 1,531 shilal booyad shidaal ay ku dhinteen 535 qof.