Dibad-baxayaal ayaa isugu soo baxay waddooyinka London iyo Windsor si ay uga mudaaharaadaan booqashadii labaad ee aan horay loo arag ee Donald Trump uu ku tagay Boqortooyada Ingiriiska, taasoo ay hay’adaha xuquuqul insaanka ku cambaareeyeen taageerada Mareykanka ee “xasuuqa sii socda ee shacabka Falastiin”.

Boqolaal mudaaharaadayaal ah ayaa isugu soo baxay Portland Place oo ku taal badhtamaha London, una dhow Aqalka Warfaafinta ee BBC, kuwaas oo sitay boodhadh ay ku qoran yihiin “Maya cunsurinimo, maya Trump,”.

Dibad-baxayaashu waxay sidoo kale u socdeen dhanka Whitehall iyo Barxadda Baarlamaanka.

Mudaaharaadyo kale oo looga soo horjeedo Trump ayaa sidoo kale laga soo sheegay Arbacadii agagaarka qalcadda Windsor, oo ku taal 40 kiiloomitir galbeedka badhtamaha London.

Dhanka kale, dowladda UK ayaa madaxweynaha Mareykanka u fidisay soo dhaweyn diiran iyo rooga cas ee boqortooyada.




