UK: Booliiska oo shaaciyey xogta ninkii geystay weerarkii Macbadka Yahuuda ee Manchester

Booliska ayaa xaqiijiyay fiidnimadii Khamiista in nin gaari ku jiiray dad ku sugnaa bannaanka macbad mashquul badan subaxnimadii hore ee shalay, kahor inta uusan labo qof toorey ku dilin afar kalena ku dhaawacin goobtaas, uu ahaa muwaadin British ah oo asal ahaan ka soo jeeda Suuriya.

3 October, 2025

Bilayska ayaa sheegay in askartu ay ku toogteen qofka looga shakisan yahay in uu falka geystay bannaanka Isbaheysiga Macbadka ku yaal agagaarka Crumpsall, ee bartamaha magaalada Manchester, waxayna weerarkan ku sheegeen inuu ahaa mid “argagixiso.”

Waxa ay sheegeen in qofka weerarka geystay uu xirnaa jaakad uu ka muuqday walxaha qarxa balse uu noqday mid aan shaqaynayn.

Ciidamada ayaa sidoo kale sheegay in saddex qof oo kale loo xidhay weerarka, laba nin oo 30 jir ah iyo haweenay 60 jir ah, kuwaas oo xabsiga loo taxaabay “iyaga oo looga shakisan yahay, diyaarin iyo kicin falal argagixiso.”

Saraakiisha ayaa xaqiijiyay in labada qof ee dhintay ay ahaayeen Yuhuud, weerarkan oo lagu beegay ciidada Yahuuda ee Yom Kippur.

Shalay gelinkii hore, Kaaliyaha Wakiilka Laurence Taylor, madaxa hawlgallada khaaska ah ee Bilayska Magaalada London, ayaa sheegay in ciidamada booliska ee Boqortooyada Midowday ay “kor u qaadi doonaan illaalinta” Macbadyada Yahuud ee dalkaasi.

Magaalada Manchester waxay hoy u tahay qiyaastii 30,000 oo Yuhuud ah, taasoo ka dhigaysa jaaliyadda labaad ee ugu weyn UK, ​​marka laga reebo London.