Boqortooyada Ingiriiska, Canada iyo Australia ayaa aqoonsaday dawladnimada falastiiniyiinta. Go’aankan ayaa lagu beegay kahor furitaanka Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

UK, Canada iyo Australia waxay si rasmi ah u aqoonsadeen dawladda Falastiin. Dowlada Portugal ayaa lagu wadaa inay sidaas oo kale sameyso.
Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo ay sii kordhayso cadaadiska caalamiga ah ee saaran Israa’iil iyo duulaanka ay ku hayso Gaza.
Daqiiqado kadib markii Boqortooyada Ingiriiska, Canada iyo Australia ay si rasmi ah u shaaciyeen inay aqoonsadeen dawladda Falastiin, wasaaradda arrimaha dibadda ee Israa’iil waxay sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay “ abaal-marin lasiinayo Xamaas”.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Falastiin ee fadhigeedu yahay Daanta Galbeed ee Falastiiniyiinta iyo qurba-joogta ayaa mahad-naq u soo jeediyay dalalka aqoonsaday Dawladda Falastiin.



