Diyaarad Helicopter ah oo ka tirsan Ciidanka Badda ee Britain ayaa ku burburtay koonfur-galbeed England intii lagu jiray tababar, sida ay xaqiijiyeen Ciidanka Badda Arbacadii.

Diyaaradda, oo ah diyaarad helicopter ah ee nooca Merlin Mk4, ayaa ku dhacday wax yar ka hor 4-tii subaxnimo. Lama oga waxa sababay dhacdadan.
General Gwyn Jenkins oo ah madaxa ciidamada badda ayaa ku xaqiijiyay shilkan qoraal uu soo saaray, isagoo sheegay; “aad uga xumahay inaan la wadaago wararka sheegaya in saddex shaqaale ah oo saarnaa diyaarad helicopter ah oo ka tirsan Ciidanka Badda ee Royal Navy Merlin Mk4 ay dhinteen kadib markii ay ku burburtay saacadihii hore ee saaka meel u dhow Sourton, Devon.”
Diyaaradaha Merlin waxaa inta badan loo isticmaalaa dagaalka ka dhanka ah maraakiibta quusa, laakiin sidoo kale raadinta iyo samatabbixinta, wareejinta xamuulka iyo ilaalada badda, sida laga soo xigtay bogga internetka ee Ciidanka Badda ee Royal Navy.
Badanaa diyaaradan waxay qaadaa shaqaale afar ah, waxayna leedaay awood ay ku qaado ilaa 24 askari.



