Maxkamada Caalamiga ah ee Dhex-dhexaadinta ee fadhigeeda yahay Hague, Holland ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankooda kiiskii ay soo gudbisay Dowlada Rwanda oo ka dacwooneysay Dowlada UK oo ay sheegtay inay uga baxday heshiiskii dhexmaray labada dal ee Tarxiilka dadka magan-gelyo doonka ah.

Dowlada Rwanda ayaa dacwadan soo gudbisay bishii Nofeember ee sanadkii hore, iyadoo ku dooday in ay ku leedahay lacago gaaraya $134 milyan sida ku xusnaa heshiiskii dhexmaray labada dal sanadkii 2022.
Xukuumadii hore ee UK ee Raysalwasaare Boris Johnson ayaa xukuumada Rwanda kula heshiiyey sanadkii 2022, inay qaabilaan qaxootiga laga soo tarxiilo UK, iyadoo UK bixineyso kharashaadka.

UK ayaa horey u siisay Rwanda $390 milyan si loo dhiso xeryaha dadkaasi lagu hayn lahaa, balse heshiiskan waxaa joojiyey Raysalwasaare hada xilka haya Keir Starmer oo maalintii ugu horeysay oo uu xilka qabtay bishii Luulyo 2024, laalay heshiiskan oo uu ku tilmaamay mid khasaaro ah.
Illaa iyo hada tiradda dadka laga celiyey UK ee la geeyey Rwanda ayaa ah 4 qof, oo dhamaantood iskood u codsaday in la geeyo dalkaas.

Xukuumada Rwanda ayaa sheegtay in heshiiskii la saxiixay 2022 uu qorayey in UK ay bixiso lacagta dhiman oo ah 134 milyan, sanadkii 2025 iyo 2026. Dacwadan dhex dhexaadinta caalamiga ah ayey Kigali gudbisay sanadkii hore kadib markii ay fashileen wadahadaladii diblumaasiyadeed ee labada dal.

Maxkamkamada dhex-dhexaadinta ayaa sheegay in UK ay xaq u leedahay inay ka baxdo heshiiska arrintan oo waji gabax ku noqotay dowlada Rwanda.
Go’aankan ayaa sidoo kale caqabad ku noqon doona qorshayaasha danbe ee dalalka EU-da ku doonayaan inay heshiisyo noocaan oo kale ah la galaan wadamadda Afrika si dib loogu celiyo Qaxootiga.




