UK oo Madaxweyne Xasan Sheekh ku boorisey wadahadal siyaasadeed oo loo dhan yahay.

UK ayaa ku boorrisay dowladda Federaalka Soomaaliya in la xoojiyo wada-hadal siyaasadeed oo loo dhan yahay,…

26 August, 2026

UK ayaa ku boorrisay dowladda Federaalka Soomaaliya in la xoojiyo wada-hadal siyaasadeed oo loo dhan yahay, si loo gaaro Soomaaliya ammaan ah, xasilloon oo siyaasaddeedu ku dhisan tahay is-afgarad, kadib kulan ka dhacay Villa Soomaaliya oo ay yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirka UK u qaabilsan Horumarinta iyo Afrika, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Dowladda Ingiriiska ayaa si gaar ah u adkaysay muhiimadda ay leedahay in dhammaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ay ka qeyb qaataan wada-hadallada, iyadoo sheegtay in loo baahan yahay hannaan loo dhan yahay oo horseeda xasillooni iyo horumar siyaasadeed.

Boqortooyada Ingiriiska ayaa muddo dheer ku celcelinaysay in heshiis siyaasadeed oo ay taageeraan dhammaan dhinacyada Soomaalida uu muhiim u yahay xasilloonida dalka, xilli aan weli xal laga gaarin khilaafka doorashooyinka Soomaaliya iyo arrimaha dastuurka.