UK oo Muwaadiniinteeda u digtay ka jabsigii E-vis Soomaaliya.

15 November, 2025

Xafiiska Arrimaha Dibadda iyo Horumarinta UK (FCDO) ayaa diray digniin ku saabsan u safrida Soomaaliya, isagoo…

Xafiiska Arrimaha Dibadda iyo Horumarinta UK (FCDO) ayaa diray digniin ku saabsan u safrida Soomaaliya, isagoo si toos ah u xusay digniintii Safaaradda Mareykanka ee sheegtay in nidaamka e-visa-ha Soomaaliya la jabsaday. Jabsiga ayaa dhacay November 11 sida ay Mareykanku sheegeen.

Digniinta Mareykanka ayaa tilmaantay in xog muhiim ah laga yaabo in la xaday, oo ay ku jiraan magacyada codsadayaasha, sawirradooda, taariikhda dhalashada, ciwaannada email-ka, iyo ciwaannada guryaha. Safaaradda ayaa sheegtay inaysan xaqiijin karin in xog qof gaar ah la helay, balse qof walba oo e-visa codsaday “uu saameyn karo.”

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya oo maamusha nidaamka e-visa-ha weli kama soo bixin war faahfaahsan oo ku saabsan weerarka ama tallaabooyinka lagu ilaalinayo xogta muwaadiniinta iyo dadka safarka ah. UK ayaa dhankeeda horey ula waafajisay talooyinka safarka shuruudda e-visa-ha federaalka.

Tilmaamaha cusub ee FCDO ayaa xaqiijinaya in dhammaan dadka u safraya Soomaaliya looga baahan yahay inay hore u dalbadaan e-visa federaal, xitaa kuwa u socda Somaliland. Waxay sheegtay in shirkadaha diyaaradaha ay u badan tahay inay diiwaangelinta ku xiraan haynta e-visa-haas.

Si kastaba, FCDO waxay sheegtay in Somaliland aysan aqbalayn e-visa-ha federaalka marka la yimaado Hargeysa, ayna rakaabka ku qasbi doonaan inay hal-mar dal-ku-gal ka iibsadaan goobtaas, taas oo abuurtay jahawareer ku saabsan socdaalka dalka gudihiisa.