UK oo saddex nin oo u dhashay Iran kusoo oogtay dacwad basaasnimo

17 May, 2025

Saddex nin oo la xiray horraantii bishan waxa ay booliisku sheegeen in lagu eedeeyay inay Iran u basaasayeen. Eedeysanaha afaraad ayaa la sii daayay iyadoo aan wax dambi ah lagu soo oogin.

Saddex qof oo Iran u dhashay ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta inay basaas u ahaayeen sirdoonka Iran, sida uu sheegay booliska UK Sabtidii.

Saddexda qof ayaa dhammaantood lagu xiray 3-dii May magaalada London, iyadoo booliska magaalada caasimadda ay ku tilmaameen “baaritaan aad u adag oo degdeg ah.”

Waxaa lagu wadaa in la soo taago maxkamad ku taal London gelinka dambe ee Sabtida, iyadoo dambiyada lagu eedeeyay ay dhaceen Agoosto 2024 ilaa Febraayo 2025.

Xariga ayaa yimid iyadoo ay jirto walaac xooggan oo laga qabo dhaq-dhaqaaqyada Iiraan ee dhulka UK.

“Kuwaani waa eedeymo aad halis u ah sida uu dhigayo sharciga amniga qaranka,” ayuu yiri Dominic Murphy, madaxa taliska La-dagaalanka Argagaxisada.

Nin afraad ayaa la xiray 9-kii bishii May, kaasoo qeyb ka ahaa baaritaanka, balse hadda waa la sii daayay iyadoo aan wax dambi ah lagu soo oogin, sida ay booliisku hadalkooda ku dareen.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ayaa horay u sheegtay in ay “ka walaacsan tahay” in muwaadiniinta reer Iran ay xireen mas’uuliyiinta Britain.