Booliiska Britain ayaa xiray shan nin oo lagu qabtay meel u dhow saldhigga ciidamada cirka ee RAF Fairford, kaas oo ay isticmaalaan ciidamada Mareykanka, iyadoo looga shakisan yahay dambiyo la xiriira “argagixisanimo”.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Axaddii sheegay in dadka la tuhunsan yahay ay doonayeen inay geystaan “waxyeello weyn”, waxaana baaritaankooda wada saraakiil ka tirsan Britain iyo Mareykanka.
Booliiska Gloucestershire ayaa sheegay in ay heleen wicitaan Axaddii, kaas oo lagu soo sheegay “saddex gaari oo laga shakiyay” oo u muuqday inay u socdaan dhanka saldhigga RAF Fairford, oo ku yaalla galbeedka England.
Arrintaasi ayaa keentay in saraakiishu xiraan shan nin, kuwaas oo looga shakisan yahay inay galeen dambiyo hoos yimaada Sharciga Walxaha Qarxa (Explosives Act), sida uu sheegay Booliiska Gloucestershire.
Tan iyo markii la qabtay raggaas, booliiska Britain ee ka shaqeeya la-dagaallanka argagixisada ayaa hoggaanka u qabtay baaritaanka.
“Waxaan ku jirnaa marxaladaha hore ee baaritaanka, shanta nin-na weli waxay ku jiraan xabsiga,” ayay tiri Vicki Evans, Isuduwaha Qaranka Sare ee Booliiska La-dagaallanka Argagixisada.

Waxay intaas ku dartay in la sameeyay xayndaab amni oo gaaraya 400 mitir oo ku wareegsan gawaarida, iyadoo cutubka Ciidanka Britain ee qaabilsan baarista iyo sugidda walxaha qarxa uu sameynayo baaritaanno.
“Taxaddar ahaan, ku dhowaad 85 qoys ayaa laga daadgureeyay deegaanka inta ay baaritaannadu socdaan,” ayay sheegtay Evans.
Saldhig muhiim u ah ciidamada Mareykanka iyo NATO
Saldhigga ciidamada cirka ee RAF Fairford, oo ku yaalla Gloucestershire, ayaa muddo dheer waxaa isticmaali jiray ciidamada Mareykanka iyo NATO.

Tan iyo bishii Maarso, Mareykanka ayaa saldhiggan u adeegsaday duqeymo ka dhan ah Iran.
Ra’iisul Wasaaraha Britain Andy Burnham, oo helayay warbixinno ku saabsan xaaladda, ayaa bartiisa X ku qoray in dhacdadan ka dhacday meel u dhow RAF Fairford ay “si weyn uga walaacin doonto dadka deegaanka iyo shacabka guud ahaan dalka”.
Wasiirka Difaaca Wes Streeting ayaa isaguna u mahadceliyay kooxaha gurmadka degdegga ah iyo kuwa takhasuska leh ee ka jawaabay dhacdadan.
Lama xaqiijin walxaha qarxa ama bartilmaameedka
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo caddeynaya waxa sababay xarigga shanta nin, in walxaha qarxa la helay iyo in kale, ama haddii dambiyada looga shakisan yahay ay xiriir la leeyihiin saldhigga RAF Fairford.
Ciidamada Cirka Mareykanka ayaa sheegay inay ka warqabaan wararka ku saabsan dhacdada, balse waxay diideen inay faahfaahin ka bixiyaan tallaabooyinka amni ee gaarka ah.
Trump: “Waxay doonayeen inay geystaan waxyeello weyn”
Dhanka kale, Donald Trump ayaa wariyeyaasha u sheegay in hawlgalka Britain uu ahaa “wax cajiib ah”, isagoo ku tilmaamay hawlgalka “shaqo aad u wanaagsan”.
“Waxaan ku haynay baaritaan. Waxay doonayeen inay waxyeello weyn u geystaan xarunteena, waxaana iskaashiga aan la sameynay Britain uu si weyn u shaqeeyay… Muddo dheer ayaan isha ku haynay, waana qabannay,” ayuu yiri Trump.
Safaaradda Mareykanka ee Britain ayaa Axaddii soo saartay digniin amni oo ay muwaadiniinta Mareykanka ugu baaqday inay taxaddaraan oo ay si gaar ah uga feejignaadaan amniga shaqsiyadeed.
Digniinta ayaa sidoo kale sheegtay in mas’uuliyiinta maxalliga ahi ay “taxaddar dheeraad ah awgiis” daadgureynayaan qaar ka mid ah dadka deegaanka.
Waxay sidoo kale xusuusisay muwaadiniinta Mareykanka in mas’uuliyiinta Britain ay heerka khatarta argagixisanimada ee dalka ku tilmaamaan mid daran (severe).



