UK: Starmer oo cadaadis saaran yahay iyadoo wasiiro ay iscasileen, xildhibaannada ayaa ku boorriyay Ra’iisul wasaaraha inuu iscasilo

12 May, 2026

Afar wasiir oo uu ku jirto Jess Phillips, oo ah siyaasi caan ah oo ka tirsan xisbiga Shaqaalaha, ayaa iscasilay iyagoo ka mudaaharaadaya markii Ra’iisul Wasaare Keir Starmer uu diiday inuu dhegeysto baaqyada isa soo taraya ee ah inuu iscasilo.

Ra’iisul Wasaare Starmer oo taageeradiisa si weyn hoos ugu dhacday ayaa ballan qaaday inuu “sii wadi doono shaqadiisa”, isagoo kahor yimid baaqyada ka imanaya in ka badan 80 xildhibaan ee xisbigiisa oo ku boorrinaya inuu si degdeg ah xilka uga dego ama uu dejiyo jadwal uu sidaas ku sameeyo kadib markii Xisbiga Shaqaalaha uu la kulmay khasaarooyin xooggan ee doorashadii golayaasha deegaanka.

Xisbi xaakimka Labour-ka ayaa ku guuldareystay doorashadii deegaanka ee todobaadkii hore, codbixintaasi oo ay kuraas horleh heleen xisbiga Reform UK ee midigta fog.

Starmer, oo ah ra’iisul wasaarihii afraad ee UK muddo shan sano ah, ayaa sidoo kale wajahaya cadaadis gudaha xisbigiisa kadib magacaabistii uu Peter Mandelson ugu magacaabay safiirka Mareykanka, iyadoo ninkaasi lala xariirinayo fadeexadii Jeffrey Epstein.

Markii Golihiisa Wasiirada ay isugu yimaadeen barqanimadii saaka, si rasmi ah si ay uga wada hadlaan dib u furista baarlamaanka ka dib codbixintii Arbacadii, xafiiska Starmer ayaa lagu qasbay inuu soo saaro bayaan kale oo uu ku muujinayo rabitaankiisa ah inuu sii joogo booskiisa.

Wasiirka Difaaca John Healey ayaa bartiisa X ku qoray in xiisadan aysan dan u ahayn dalka.

Wasiir, Miatta Fahnbulleh, ayaa noqotay xubintii ugu horreysay ee ka tirsan dowladda Starmer oo is casishay Talaadadii.

Wasiirka Ilaalinta Jess Phillips, oo qaabilsan la dagaallanka rabshadaha iyo dambiyada ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha, ayaa sidoo kale iscasishay galabnimadii Talaadada. Waxay sheegtay in Starmer uu yahay nin wanaagsan laakiin sidoo kale ay ku eedaysay inuusan lahayn go’aan qaadasho.

Alex Davies-Jones ayaa ahaa wasiirkii saddexaad ee iscasilay, oo fadhigeedu yahay Wales. Waxay iftiimisay khasaaraha xisbiga shaqaalaha gaar ahaan deegaan doorashadeeda Wales.

Xildhibaanka laga soo doorto Koonfur Galbeed ee Glasgow ee Scotland, ahna Wasiirka Hal-abuurka Caafimaadka iyo Badbaadada Zubir Ahmed, ayaa caawa noqday wasiirkii 4aad oo xilka isaga tagay.

Arbacada berri ah, Boqor Charles III ayaa akhrin doona “Khudbadda Boqorka” iyadoo baarlamaanku uu dib u furmayo kadib doorashadii asbuucii hore.

Marka ay timaado xil ka qaadista hoggaamiyaha xisbiga, waxaa loo baahan yahay taageerada 20% xildhibaannada Xisbigiisa Labour-ka (Shaqaalaha).

Ilaa 80 ayaa durba muujiyay rabitaan ah in Starmer uu meesha ka baxo.

Laakiin waxay weli dood ka taagan tahay xiliga uu booska baneenayo, Xildhibaanada ayaa qaar badan doonayaan in hada isla markiiba booska baneeyo, halka kuwo kale soo jeedinayaan dhowr bilood kadib – iyo sidoo kale cidda ku habboon ee beddeli doonta ayey weli doodi ka taagan tahay.

Markii weriye uu weydiiyay Isniintii shalay, Ra’iil Wasaare Starmer wuxuu sheegay inuu markale xilka u tartami doono hadii xisbiga codbixin u qabto booskiisa.