Mas’uuliyiinta Ruushka ayaa sheegaya in shidaalka Primorsk, iyo warshadda saliidda ee NORSI uu dab qabsaday.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine ayaa duqeeyay dekedda Baltic ee Ruushka ee Primorsk iyo warshadda saliidda ee NORSI ee ku taal bartamaha gobolka Nizhny Novgorod, sida uu sheegay taliyaha ciidamada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine Robert Brovdi.
Weerarrada habeenkii xalay ahaa waxaa markii ugu horreysay soo sheegay mas’uuliyiinta Ruushka Axaddii.
Alexander Drozdenko, gudoomiyaha gobolka Leningrad ee waqooyi-galbeed ee Ruushka ayaa markii hore sheegay in dhuunta shidaalka ee Primorsk ay waxyeello soo gaartay, oo ah mid ka mid ah goobaha ugu muhiimsan ee dhoofinta saliidda ee Ruushka. Wuxuu markii dambe ku sheegay qoraal uu ku qoray Telegram in kaydka shidaalka oo ku yaal aagga dekedda uu daatay markii uu ku dhacay qaraxa.
Magaalada Nizhny Novgorod, Guddoomiyaha Gleb Nikitin ayaa sheegay in dab uu ka kacay warshadda saliidda ee NORSI, oo ah tan afraad ee ugu weyn Ruushka. Wuxuu sheegay in laba xarumood oo ku yaal warshadda ay ka dhaceen qaraxyo.
Wuxuu sheegay in xarun koronto iyo dhowr guri ay waxyeello soo gaartay intii uu socday weerarka inkastoo aysan jirin wax dhaawac ah, sida laga soo xigtay macluumaadka hordhaca ah.
Ukraine ayaa todobaadkii lasoo dhaafay xooga saartay duqeynta xarumaha Saliida ee Ruushka, kadib markii Mareykanka uu qaaday cunaqabateyntii saarneyd iibka shidaalka Ruushka, arrintaasi oo sare u qaadeysa dakhliga wadankaasi kasoo gala dhoofinta shidaalka, iyadoo Ukraine arrintan u aragto khatar Ruushka uu sare ugu qaadi karo dagaalka uu ka wado dalkaasi.




