Madaxweyne Volodymyr Zelenskyy ayaa ku eedeeyay Israa’iil inay “iibsanayso raashin la xaday,” oo ah hadhuudh laga keenay gobollada uu Ruushku haysto.

Madaxweynaha Ukraine ayaa Talaadadii dhaleeceeyay Israa’iil, oo lagu eedeeyay inay iibsatay hadhuudh uu “xadday” Ruushka, raashinkaasi oo laga keenay dhulka dhul beereedyo badan oo ku yaa Yukrayn oo uu xooga ku qabsaday Ruushka.
Ukraine ayaa markii ugu horreysay u yeertay safiirka Israa’iil Isniintii, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda Andrii Sybiha uu ku eedeeyey Israa’iil inay sii wado iibsiga shixnadaha cunto ka timid dhulka Yukrayn ee la haysto.
Ruushka iyo Yukrayn labaduba waxay kamid yihiin dalalka dhoofiya wax-soo-saarka beeraha, iyadoo Ruushka uu yahay dalka ugu wax soo saarka badan ee dhoofinta qamadiga adduunka, Yukrayn-na ay ku jirto 10-ka dal ee ugu sareeya, sida laga soo xigtay xogta Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay.



