Ukraine oo laga soo riday diyaarad F-16 iyo weerar ballaaran oo uu Ruushku sameeyay

29 June, 2025

Ruushka ayaa xalay saqdii dhexe bilaabay mowjado cusub oo ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada oo lagu duqeeyey guud ahaan dalka Ukraine.

Ukraine ayaa lumisay diyaarad dagaal oo F-16 ah iyo duuliye intii ay socotay duqeynta hawada ee Ruushka.

Milatariga Ukraine ayaa xaqiijiyay khasaaraha subaxnimadii Axadda.

Waa khasaarihii saddexaad ee diyaarad dagaal oo F-16 ah tan iyo markii Ruushku uu gudaha u galay dalka Ukraine sanadkii 2022, sida uu sheegay milateriga Ukraine.

Ruushka ayaa xalay weerar mowjado cusub ku qaaday dalka Ukraine, kaas oo lala beegsaday badhtamaha, koonfurta iyo gobolka galbeed ee dalkaasi.

Ruushka ayaa weerarkan u adeegsaday ilaa 500 hubka cirka oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, gantaalada jawiga hoose ee Kuruus-ka iyo gantaalaha ballistiga, sida uu sheegay milatariga Ukraine.