Ukraine oo ogolaatay shuruudaha heshiiska macdanta ee Maraykanka

26 February, 2025

Maamulka Trump ayaa ku riixayay Ukraine heshiis ku saabsan helitaanka macdanta dhifka ah ee dhulka si loogu beddelo gargaarka.

Wada xaajood dheer ka dib, Ukraine waxay ogolaatay qodobbada heshiiska Mareykanka oo u oggolaanaya horumarinta wadajirka ah ee kheyraadka macdanta, sida ay sheegeen saraakiil aan la magacaabin oo Ukraine ah oo la hadlayay wakaaladaha wararka.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in dhiggiisa Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, uu qorsheynayo inuu safar ku yimaado Washington dabayaaqada toddobaadkan si uu u saxiixo heshiis dhinaca macdanta ah.

Dhanka kale, waxay baarlamaanka Ukraine u codeeyeen in la meel mariyo qaraar xaqiijinaya sharcinimada madaxweyne Volodymyr Zelenskyy ilaa inta laga soo afjarayo sharciga dagaalka.

Soo jeedintan heshiiska macdanta waxay xiisad ka dhex abuurtay madaxweyne Trump iyo Zelenskyy. Wuxuuna Trump ku tilmaamay madaxweynaha Ukraine Zelenskyy ‘kaligii Taliye’.