Askarta dhaawaca ah ayaa loo qaaday Kyiv si ay su’aalo u weydiiyaan baarayaasha Ukraine oo kaashanaya sirdoonka Kuuriyada Koonfureed.

Ukraine ayaa sheegtay in ay ka qabatay gobolka Kursk ee Ruushka labo askari oo ka tirsan Kuuriyada Waqooyi ayna geysay Kyiv, halkaas oo baarayaashu su’aalo ku weydiinayeen.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in labada maxbuus ee dagaalka ay la hadlayaan sirdoonka Amniga Ukraine ee (SBU).
SBU-da Ukraine ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in mid ka mid ah askarta la qabtay aanu haba yaraatee wax dukumeenti ah haysan, halka midka kalena uu watay kaarka aqoonsiga milatariga Ruushka.
Ukraine ma aysan soo bandhigin cadeymo muujinaya in askarta la qabtay ay ka soo jeedaan Kuuriyada Waqooyi.
Bishii hore, sarkaal sare oo ka tirsan militariga Ukraine ayaa sheegay in ilaa 200 oo askari oo ka tirsan Kuuriyada Waqooyi oo ka barbar dagaalamaya ciidamada Ruushka ee gobalka Kursk lagu dilay ama lagu dhaawacay dagaalka.
Qiyaasta khasaaraha Kuuriyada Waqooyi ayaa timid toddobaadyo ka dib markii Ukraine ay ku dhawaaqday in Kuuriyada Waqooyi ay 10,000 ilaa 12,000 oo askari u dirtay Ruushka si ay uga caawiyaan dagaalka.
Horseed Media