Maraykanku waxa kale oo uu ogolaaday in uu dib u bilaabo wadaaga xogta sirdoonka iyo kaalmada milatari ee Ukraine.

Kooxo ka kala socda labada dal ayaa ku kulmay dalka Sacuudiga wadahadalo ujeedkoodu ahaa in horumar laga sameeyo soo afjarida dagaalka Ruushka.
Washington ayaa sheegtay in ay qaadi doonto xayiraadaha dhanka gargaarka milatariga iyo wadaagga sirdoonka ee siin jireen Ukraine.
Waxa uu ahaa kulankii ugu horeeyay ee rasmi ah tan iyo kulankii Aqalka Cad ee Zelenskyy iyo Trump.
Hogaamiyayaasha Yurub ayaa soo dhaweeyay soo jeedinta xabbad joojinta waxayna yiraahdeen “kubaddu hadda waxay la taalaa dhanka Ruushka”.
Ergeyga gaarka ah ee Trump Steve Witkoff ayaa la filayaa inuu Moscow kula kulmo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.