Magaalada Moscow ayaa habeenkii labaad oo xiriir ah waxaa ka dhacay weerar aad u ballaaran oo…

Magaalada Moscow ayaa habeenkii labaad oo xiriir ah waxaa ka dhacay weerar aad u ballaaran oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka, taasoo keentay in la joojiyo duullimaadyadii afarta garoon ee u adeega caasimadda u ah dalka Ruushka.
Xukuumadda Moscow waxa ay sheegtay in unugyadooda difaaca cirka ay soo rideen ugu yaraan 19 diyaaradood oo Drones ah, kuwaas oo ka soo wajahay jihooyinka kala duwan, xilli maalmo kahor 4 diyaaradood lagu dhuftay caasimadda.
Magaaladan ayaa lagu wadaa in ay marti galiso dhoolatuska maalinta guusha dhamaadka todobaadkaan, taasi oo uu Vladimir Putin kula kulmi doono tiro ka mid ah hogaamiyayaasha caalamka ee xulafada la ah qadiyadiisa.
Dhanka kalena, Ciidanka difaaca Ukraine ayaa weeraray xarun koronto oo ku taal gobolka Kursk ee galbeedka Ruushka, waxaana ay muujinaysaa sida uusan weli Ruushku guulo waxku ool ah uga gaarin dalkaasi.



