Ukraine oo weerarta xarumaha Shidaalka Ruushka iyo Moscow oo digniin u dirtay wadamadda Yurub.

17 April, 2026

Ukraine ayaa hawada Ruushka ku gashay tiro aan hore loo arag oo ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, taasoo Ruushka ka hor istaagaysa inuu helo faa’iidada ka soo xaroota dhoofinta saliidda.

Ukraine waxay burburisay kaabayaasha saliidda iyo gaaska ee Ruushka labadii toddobaad ee la soo dhaafay taasoo keentay in Ruushku uu soo saaro digniin ku socota waddamada Yurub iyo warshadaha Yurub ee soo saara diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee riddada dheer.

Digniintu waxay timid kadib markii Ukraine ay heshiisyo cusub la gashay shirkadaha difaaca ee Yurub toddobaadkan.

Ruushka ayaa ka digay “cawaaqib aan la saadaalin karin” wuxuuna sheegay in “go’aanada hoggaamiyeyaasha Yurub ee isa soo taraya ay usoo jiidayaan waddamada Yurub dagaal ay la galaan Ruushka.”

Ruushka wuxuu daabacay liiska cinwaannada shirkadaha Yurub ee ku lug leh soo saarista hubka lagu taageero Ukraine, taasi oo u muuqata digniin ku socota xarumaha shirkadahaas.

Dmitry Medvedev, madaxweynihii hore ee Ruushka iyo ku xigeenka madaxa Golaha Amniga Qaranka, ayaa markii dambe caddeeyay in tani ay la macno tahay “liis bartilmaameedyo suurtagal ah oo ay weerari karaan ciidamada qalabka sida ee Ruushka”.

Maalin kahor, Jarmalka wuxuu ogolaaday inuu maalgashado 300 milyan oo Yuuro ($355 milyan) iskaashiga sameynta hubka ee Ukraine, wuxuuna si gooni ah u maalgelin doonaa sameynta 5-kun oo ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee riddada dhexe, si loogu isticmaalo sahayda dagaalka ka dhanka ah Ruushka.

Norway waxay sidoo kale la saxiixatay Ukraine heshiis horseedi doona soo saarista diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo wadajirka ah, waxayna ku deeqday 560 milyan oo Yuuro ($661.5 milyan) si loogu taageero diyaaradaha Drone-ka ee Ukraine.