Madaxweynaha Ukraine ayaa sheegay inuu si degdeg ah iscasili doono haddii dalkiisa loo soo bandhigo xubinnimada NATO.

Madaxweyne Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay Axadii in uu iska casilayo xilka madaxtinimo ee Ukraine si uu u helo xubinnimada NATO.
“Haddii ay nabad ugu jirto Ukraine, inaan ka tago booskeyga, diyaar ayaan ahay… hadii dalkeena loo ogolaado kamid noqoshada NATO,” Zelenskyy ayaa ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Kyiv.
Waxa uu intaa ku daray in uu si degdeg ah xilka uga tagayo haddii loo baahdo.
Zelenskyy ayaa sidoo kale sheegay inuu doonayo inuu u arko madaxweynaha Mareykanka Donald Trump inuu yahay saaxiibka Ukraine iyo dhexdhexaadiyaha Kyiv iyo Moscow.
Trump ayaa todobaadkan sare u qaaday dagaalka dhanka afka ah ee uu kula jiro Kyiv, isagoo u muuqday inuu Ukraine ku eedeeyay inay dagaalka bilowday, wuxuuna Zelenskyy ku tilmaamay “kaligii taliye” maadaama uusan doorasho qaban dagaalka awgiis.
Wuxuu Trump ugu baaqay Putin iyo Zelenskyy inay “isku yimaadaan” si ay u helaan hab lagu soo afjaro dagaalka, inkastoo Ukraine aan lagu casumin wadahadalladii ugu dambeeyay ee ka dalka Sacuudiga.