UNSOS oo xaraashaya agab ay leedahay Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) ayaa bilaabay hannaan lagu raadinayo shirkado xaraashleyaal ah oo…

9 August, 2026

Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) ayaa bilaabay hannaan lagu raadinayo shirkado xaraashleyaal ah oo iibin doona agab iyo hanti ay leedahay Qaramada Midoobay.

Ogeysiiska oo lagu daabacay UN Global Marketplace ayaa sheegay in UNSOS ay doonayso shirkado ruqsad haysta oo ka hawlgala Soomaaliya, kuwaas oo ka shaqeyn doona xaraashka hantida, waxaana agabkaan ka mid ah gaadiid, kombuyuutarro iyo laptop-yo, qalabka shabakadaha, taleefoonnada, matoorro, qalabka xafiisyada, qalabka korontada iyo qalabka dhismaha.

Sidoo kale waxaa liiska ku jira konteenarro, hoyagii prefabricated-ka ahaa, qalabka caafimaadka iyo shaybaarrada iyo mashiinno culus. UNSOS waxay shirkadaha danaynaya ka dalbatay inay soo gudbiyaan Expression of Interest (EOI), iyadoo 11-ka Agoosto 2026 loo qabtay waqtiga kama dambaysta ah.

Falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa tallaabadaan ku tilmaamay mid muujinaysa sida ay beesha caalamku quusta uga taagan tahay horu-socod la’aanta Soomaalida, isqabqabsiga soo laalaabtay ee xukunka, sii daba-dheeraanshaha qorshaha amni ee Soomaaliya iyo ku tiirsanaan taageerada aalamka oo noqotay mid aan laga gudbin tobanaan sano.

Midowga Africa, dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya iyo Madaxda muddo xileedkoodu dhammaaday ee Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe wadey kulamo ay ku doonayaan in Maraykanka iyo Qaramada Midoobey loogu qanciyo kordhinta taageerada Soomaalida Koonfurta oo weli laga casbi qabo saamaynta ammaan iyo dhaqaale oo ka soo wajihi karta saaansaanta muuqata.