Urdun, Suuriya, Iraq iyo Turkiga oo diyaarinaya duullaan ka dhan ah kooxda Daacish ee gobolka ku sugan

8 March, 2025

Ilo diblomaasiyadeed oo Turki ah ayaa sheegay in wasiirrada arrimaha dibadda, gaashaandhigga ama taliyeyaasha militariga iyo madaxda sirdoonka ee afarta dal ay ka qeyb galayaan kulanka, kaasoo ka dhacaya magaalada Cammaan.

Sabtidii, wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa ilo dublamaasiyadeed oo Turki ah ayaa sheegtay in wafuud heersare ah oo ka kala socda Turkiga, Urdun, Suuriya iyo Ciraaq ay ku kulmi doonaan magaalada Cammaan berri oo Axad ah, si ay uga wadahadlaan iskaashiga ammaanka iyo isbeddellada gobolka.

Bishii hore ayay ahayd markii wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Hakan Fidan uu sheegay in afarta waddan ay qaadi doonaan tallaabooyin ay si wadajir ah ula dagaallami doonaan kooxda Daacish ee gobolka ku sugan, wuxuuna sheegay in ay doonayaan in kulanka ugu horreeya ee arrintan ku saabsan ay ku yeeshaan dalka Urdun.

Ilaha diblumaasiyadeed ee Turkiga oo codsaday in aan magacooda la shaacin ayaa sheegay in shirka ay ka qeyb galayaan Wasiirada Arrimaha Dibadda, sidoo kale waxaa ka qeyb galaya Wasiirada Difaaca ama Taliyeyaasha Ciidamada iyo Madaxda Hay’adaha Sirdoonka ee afarta dal.

Warku wuxuu intaa ku daray in mas’uuliyiinta ay ka wadahadli doonaan sidii la isaga kaashan lahaa dhinacyada amniga, la dagaalanka argagixisada iyo dambiyada abaabulan iyo sidoo kale arrimaha gobolka.

Tan iyo markii xukunka laga tuuray Bashaar Al-Asad bishii December, dalalka reer galbeedka iyo gobolka ayaa ka digayay suurtagalnimada inay Daacish dib u soo laabtaan.

Kumanaan ka tirsan ururka hubaysan ayaa ku jira xeryo xabsi oo ku yaal waqooyi bari Suuriya, iyadoo ay ilaalinayaan ciidamada Dimuqraadiga Suuriya (SDF), ee xulafada la ah Mareykanka.

Turkiga ayaa u aqoonsan xoogaga dimuquraadiga ah ee Suuriya iyo ciidamada difaaca shacabka Suuriya ee YPG ee hogaamiya kooxdan inay yihiin argagixiso, wuxuuna sheegay in xabsiyada lagu wareejiyo hogaanka cusub ee Suuriya, isla markaana hubka laga dhigo kooxda YPG.