Urur siyaasadeed midaynaya Madaxda DFS iyo DG oo Muqdisho lagaga dhawaaqayo.

6 May, 2025

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay weheliyaan kuwa dowlad goboleedyada koonfurta dalka ayaa Arbacada Muqdisho kaga…

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay weheliyaan kuwa dowlad goboleedyada koonfurta dalka ayaa Arbacada Muqdisho kaga dhawaaqaya urur-siyaasadeed ay ku midaysanyihiin.

Ururkaan oo lagu magacaabo Ururka Cadaaladda iyo Wadajirka – JSP, ayaa ujeedadiisu tahay sidii loo socod siin lahaa doorasho qof iyo cod ah oo ay ka horyimaaddeen siyaasiyiinta mucaaridka, Puntland iyo Jubbaland.

Hoggaamiyaha SSC KHATUMO Cabdulqaadir Axmed Cali Firdhiye ayaan ilaa hadda la caddayn inuu ku biiri doono ururka JSP oo Villa Somalia ku midaynayso wasiirrada, xildhibaannada, madaxweynayaasha iyo siyaasiyiinta taabacsan.

Dhanka kalena, Madaxweyne Xasan SH ayaa qorshaynaya in uu saddex wasiir ku kordhiyo xukuumadda, iyada oo la kala daaqayo; Wasaaradaha Caddaaladda & Dastuurka, Warfaafinta & Dalxiiska, lana abuurayo Wasaaradda Reer Miyiga.