Urur-siyaasadeedka Towfiiq oo si rasmi ah looga saaray loolanka doorashada Galmudug.

Urur-siyaasadeedka Towfiiq ee uu hoggaamiyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa laga reebay doorashada celiska ah…

13 September, 2026

Urur-siyaasadeedka Towfiiq ee uu hoggaamiyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa laga reebay doorashada celiska ah ee Galmudug, taas oo loo qorsheeyay in lagu qabto deegaano ka tirsan maamulka Galmudug, kadib go’aankii maxkamadda sare ku laashay doorashooyinkii hore ee Galmudug.

G’aan ka soo baxay guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha Dowladda federalka ah ee Somalia ayaa lagu soo bandhigay 12 urur siyaasadeed oo qaybgeli doona doorashada Galmudug, iyadoo guud ahaanba meesha laga saaray ururka Towfiiq.

Towfiiq ayaa doorashadii hore si cad uga horyimid, isaga oo ku tilmaamay habka loo maray doorashada iyo natiijooyinkii kasoo baxay kuwo aan waafaqsanayn shuruudaha iyo hannaanka doorasho ee ay tahay in la raaco, wuxuuna sidoo kale qaaddacay go’aamadii guddiga doorashooyinka ee muddaynta xilliga doorashada.