Qaar kamid ah ururada siyaasadda ee fadhigoodu yahay Magaalada Muqdisho ayaa soo saaray bayaan ku aadan…

Qaar kamid ah ururada siyaasadda ee fadhigoodu yahay Magaalada Muqdisho ayaa soo saaray bayaan ku aadan doorashooyinka qof iyo cod ee waddo dowladda federalka ah ee Somalia.
Ururada oo warbaahinta la hadlay ayaa ku dhawaaqay inay qaadeceen gebi ahaanba doorashada qof iyo cod ee ay waddo DFS, kadib markii ay ka biyo diideen qorshaha xukuumadda Somalia ayna joojiyeen wadahadaladii ay kula jireen dowladda.
“Guud ahaan waxaan joojinay wadahadalkii aan kula jirney xukuumadda, kadib markii dowladdu ka biyo diiddey qodobadii aan ku heshiinay, waxaan dowladda u gudbinay 13 qodob oo baalmarsan dastuurka dalka iyo xeerarka doorashooyinka, dowladduna waa diidey inay waxka qabato qodobada aan gudbinay”, Ayaa lagu yiri bayaanka.
Ururada siyaasadda ee Muqdisho kaga dhawaaqay inay qaadeceen doorashada qof iyo cod ee ay waddo Dowladda Soomaaliya waxaa kamid ah urur siyaasadeedada Sama-doon, Dhulka-hooyo iyo Xaq-soor.



