Dallada ururada bulshada rayidka Puntland (PUNSAA) ayaa bogaadisay hawlgalka ay dowladda Puntland qaaday iyo guulihii ciidamada geesiyaasha ah ee Puntland ka gaareen dagaalkii kooxda argagixisada Daacish ee buuraha Calmiskaad, gobolka Bari.

Dallada PUNSAA ayaa sheegtay hawlgalka ciribtirka argagixisada Puntland inuu yahay hawlgal wadani ah, waxayna bulshada reer Puntland ee gudaha iyo dibadda ugu baaqday inay garab istaagaan ciidamadooda, u shubaan dhiigga, ayna ogaadaan kooxda Daacish inay kusoo duushay dhulka iyo karaamada Soomaaliyeed.
Sidoo kale, dallada ururada bulshada Rayidka Puntland ayaa xustay in muddo dheer bulshada Puntland ay dhibane u ahaayeen falalka argagixisada ee Daacish, iyagoo baad iyo u gaysan jirey ganacsiga iyo hantida dadweynaha, kuwaas oo si arxan daran u gubay xarumihii ganacsiga magaalada Boosaaso, taasi oo kaliftay dadka qaarkiis inay caruurtooda iyo hantidooda dalka kala baxaan.
Ugu dambayn dallada ururada bulshada rayidka Puntland ayaa qiray inay ciidamada Puntland u babac dhigeen duullaanka qaawan ee ay soo qaadeen kooxda ajaaniibta argagixisada ah ee Daacish.
Horseed Media



