Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha Dalka Mudane Xamsa Cabdi Barre, qaar ka mid…

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha Dalka Mudane Xamsa Cabdi Barre, qaar ka mid ah madaxda Maamul Goboleedyada Dalka, masuuliyiin iyo marti kala duwan ayaa caawa ka qeyb galay daahfurka Urur Siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka oo ah mid ballaaran.
Shirweynaha oo ah midkii koowaad ee ururka ayaa lagu doortay hoggaanka ururka, waxaana uu ka mid noqonayaa ururrada cusub ee ku soo biiraya loolanka ururrada ee doorasho qof iyo cod ah loogu jiro.
Guddoomiyaha ahna musharaxa madaxweynaha ururka ayaa loo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee ururka laga dhigay Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Shirka waxaa ku sugnaa hoggaamiyaha maamulka SSC KHATUMO Cabdulqaadir Axmed Cali Firdhiye, iyadoo ay DFS qorshaynayso in deegaamada maamulkaasi laga qabto doorashooyin qof iyo cod ah.