Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa magaalada Dhuusamareeb ku shaaciyey natiijada doorashadii ku-celiska ahayd…

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa magaalada Dhuusamareeb ku shaaciyey natiijada doorashadii ku-celiska ahayd ee Golaha Wakiillada Galmudug, taas oo 30-kii Sebtembar 2026 ka dhacday 11 degmo, iyadoo ay ku tartameen 12 urur siyaasadeed.
Doorashadan ayaa lagu tartamay 89 kursi oo Golaha Wakiillada ah. Sida natiijada rasmiga ah ee guddiga ku cad, guud ahaan waxaa la dhiibtay 149,475 cod, waxaana ansaxay 146,374 cod, halka 3,101 cod ay noqdeen kuwo xumaaday.
Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa helay codadka ugu badan, isagoo ku guuleystay 110,072 cod iyo 67 kursi oo ka mid ah 89-ka kursi, halka ururka Sincad uu ka helay 10,895 cod iyo 7 kursi, halka Karaama uu helay 10,309 cod iyo 6 kursi. Madalsan ayaa helay 4,025 cod iyo 2 kursi, Ramaas 3,044 cod iyo 2 kursi, halka Caddaaladda iyo Midnimadda Tiir ay heshay 1,085 cod iyo 1 kursi. Sidoo kale, Dimuqraadiyada Soomaaliyeed, Muwaddiniinta Soomaaliyeed, Saab iyo Dhalinyarada Talo Qaran ayaa midkiiba helay hal kursi, halka Dadka Soomaaliyeed iyo Dan Shacab aysan kursi helin.
Doorashadan ayaa ahayd ku-celis kadib markii Maxkamadda Sare ay 24-kii Agoosto 2026 laashay natiijadii doorashadii hore ee Galmudug, iyadoo guddiga doorashooyinkana ku amartay in doorashada dib loo qabto.

ok




