Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyey safaaradda Somaliland ee Qudus.

Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa si adag u cambaareeyay furitaanka safaaradda ay Somaliland ka furatay magaalada…

16 June, 2026

Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa si adag u cambaareeyay furitaanka safaaradda ay Somaliland ka furatay magaalada Quddus ee la haysto, isaga oo sheegay in tallaabadaasi tahay mid sharci-darro ah isla markaana ka hor imaanaysa Axdiga Qaramada Midoobay iyo Midnimada Somalia.

Bayaan ka soo baxay Xoghaynta Guud ee OIC ayaa lagu sheegay in Israa’iil aysan wax madax-bannaani ah ku lahayn Quddus-ta la haysto, isla markaana go’aan kasta oo lagu beddelayo xaaladda siyaasadeed, sharci ama demograafiyeed ee magaaladaasi uu yahay mid aan waxba ka jirin marka loo eego sharciga caalamiga ah.

Dhanka kalena, OIC waxay dib u xaqiijisay taageeradeeda buuxda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo adkaysay garab istaagga ay u hayso madax-bannaanida, wadajirka dhuleed iyo qaranimada Soomaaliya, isla markaana ugu baaqday beesha caalamka inay ka hortagto tallaabadan ay ku tilmaantay sharci-darrada.