Ururka Iskaashiga Islaamka oo ka shiraya madax-banaanida Somalia.

10 January, 2026

Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda, ururka iskaashiga Islaamka ayaa yeelanaya kulan aan caadi ahayn oo looga arrinsanayo…

Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda, ururka iskaashiga Islaamka ayaa yeelanaya kulan aan caadi ahayn oo looga arrinsanayo xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan aqoonsigii Israel ee Maamulka Somaliland.

Muddada uu socdo kulankaani waxaa diiradda lagu saaraya aqoonsiga la sheegay in Israa’iil siisay Somaliland, tallaabadaas oo OIC ku tilmaantay mid dhaawacaysa midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay Xoghaynta Guud ee OIC ayaa lagu sheegay in shirka ujeedkiisu yahay in mowqif mideysan oo Islaami ah dalalku isla qaataan, laguna adkeeyo baaqa ku aaddan ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, si waafaqsan sharciga caalamiga ah.

Shirka ayaa ku soo beegmaya xilli uu dhawaan Magaalada Hargaysa ee xarunta maamulka Somaliland socdaal sharci darro ah ku tegey wasiirka arrimaha dibadda Israel Gideon Sa’ar, kadib aqoonsi maamulkiisu siiyey Somaliland.