Ururka Dowladaha Islaamka OIC oo ka kooban 57 dal ayaa si adag uga hor-yimid una cambaareeyey…

Ururka Dowladaha Islaamka OIC oo ka kooban 57 dal ayaa si adag uga hor-yimid una cambaareeyey safaaradda ay Somaliland shaacisay in ay ka furanayso Magaalada Quddus ee ee Maamulka Yuhuuddu xoogga ku haysto.
War-saxaafadeed ka soo baxay Ururka OIC ayaa siweyn loogu taageerayaan midnimada, wadajirka & madax-banaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo tallaabadaan ku tilmaamay mid aan waafaqsanayn shuruucda caalamiga ah.
“Go’aanka uu safaaradda ku furunayo Gobolka ‘Somaliland’ waxa ay xoojineysa sheegashada gumeystaha Yuhuudda ee doonaya in ay qaataan dhulka Falastiin, waxba kama jiraan tallaabo kasta oo siyaasadeed oo ka qaado sharcina ma aha”, Ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.




