Ururka Qareennada Puntland ayaa si rasmi ah uga horyimid amar uu soo saaray Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda,…

Ururka Qareennada Puntland ayaa si rasmi ah uga horyimid amar uu soo saaray Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqancelinta Puntland oo sheegtay in ururku hoos yimaado.
Bayaan uu Ururka Qareennada Puntland u diray Wasiirka Cadaaladda oo ku taariikhaysan 29-ka September 2026, ayaa lagu sheegay in ururku yahay urur xirfadeed madax-bannaan, isla markaana uu ku shaqeeyo xeerarka Puntland, gaar ahaan Xeerka Qareennada Puntland iyo Qodobbo ka mid ah Dastuurka Puntland.
Ururka ayaa sheegay in uu taageerayo sarreynta sharciga, dhowrista xuquuqda aadanaha iyo caddaaladda, isagoo xusay in qareennadu ay yihiin qayb madax-bannaan oo ka mid ah bahda caddaaladda, wuxuuna xusay in hay’adaha dowladda iyo ururka qareennada ay yihiin dhinacyo kala duwan, sidaas darteedna wasaaraddu aysan lahayn awood ay ku maamusho hawlaha gudaha ee ururka.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Guddiga Sare ee Ururka Qareennada (BOD) iyo Guddiga Fulinta (Executive) ay yihiin hay’adaha ku cad xeerka ururka, kuwaas oo go’aannadooda iyo siyaasaddooda maamula, isagoo intaasi ku daray in muddada xil-haynta guddiyada hadda jirta ay ku egyahay July 2027.





