Ururka Towfiiq oo qaadacay jadwalka doorashooyinka Galmudug ee ay dejisey DFS.

Urur-siyaasadeedka Tawfiiq ayaa si adag uga horyimid jadwalka doorashooyinka ee ay soo saartay Dowladda Federaalka Soomaaliya,…

2 September, 2026

Urur-siyaasadeedka Tawfiiq ayaa si adag uga horyimid jadwalka doorashooyinka ee ay soo saartay Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan doorashooyinka la qorsheeyay in laga qabto maamul-goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle, isagoo caddeeyey inuu kahor imaanayo heshiisyadii iyo hanaankii sharci ee horay laysula qaatay.

War-saxaafadeed ka soo baxay Ururka ayaa lagu sheegay in jadwalka cusub uu xusayo in doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Golaha Deegaanka lagu qabto muddo 90 maalmood gudahood ah, halka jadwalkii guddiga uu bixiyay uu xusay 20 maalmood oo ay ku jiraan shuruudo doorasho, waxaana uu dalbaday habraacyo waafaqsan hufnaanta, sharcinimada iyo ka qaybgalka bulshada.

Ururka ayaa walaac ka muujiyay in guddiga doorashooyinka uu doonayo in doorashada Galmudug ku qabto hab aan waafaqsanayn go’aannadii Maxkamadda Sare, gaar ahaan xukunkii la xiriiray doorashadii 30-kii Luulyo 2026, wuxuuna xusay in guddiga looga baahan yahay inuu dhowro dastuurka, shuruucda dalka iyo go’aannada maxkamadaha, isagoo ku baaqay in doorashada lagu qabto hannaan sharci iyo mid loo dhan yahay.

Ugu dambeyn, Ururka Tawfiiq wuxuu ugu baaqay Dowladda Federaalka, Madaxweyneyaasha dowlad-goboleedyada, bulshada Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah inay ka shaqeeyaan xal waara oo lagu heshiiyo, isla markaana laga fogaado tallaabo kasta oo horseedi karta khilaaf siyaasadeed.