Ururka Warbaahinta Puntland oo cambaareeyey Xarigga Weriye Suways Gacayte.

3 July, 2026

Ururka Warbaahinta Puntland ee MAP ayaa walaac xooggan ka muujiyey xarigga weriye Suways Jaamac Maxamuud (Gacayte),…

Ururka Warbaahinta Puntland ee MAP ayaa walaac xooggan ka muujiyey xarigga weriye Suways Jaamac Maxamuud (Gacayte), oo habeenkii 2aad ku xiran xabsiga dhexe ee gobolka Nugaal (Garoowe).

AKHRISO

Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) waxa uu walaac xoogan ka muujinayaa kororka bartilmaameedsiga hawlwadeennada warbaahinta oo ay ugu dambeysay Suweys Gacayte oo 2-dii Luulyo, 2026 si aan waafaqsanayn habraacyada sharci loogu xiray Xabsiga Dhexe ee Garoowe.

Kadib dadaallo iyo xiriirro uu sameeyay ururku, waxa noo caddaatay in xarigga Suweys aan loo marin habraacii sharci. waxana ay ku soo beegmaysaa iyadoo si la mid ah bartamihii Juun magaalada Qardho loogu xiray Maxamed Cabdinaasir.

MAP waxay ka digaysaa ku-takrifalka awoodda dowladeed iyo tallaabo kasta oo lagu caburinayo saxaafadda, waxa aan ugu baaqaynaa hay’adaha dowladda inay u hoggaansamaan Dastuurka Puntland, xeerarka dalka iyo mabaadi’da ilaalinta xuquuqda aasaasiga ah, isla markaana ay dhowraan madaxbannaanida warbaahinta.

Ururku waxa u dalbanayaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah xorriyadeeda loogu soo celiyo Suweys Gacayte, haddii ay jirto eed ama dacwad loo haystona waa in loo maraa si waafaqsan Dastuurka Puntland iyo Xeerka Warbaahinta Puntland, iyadoo la dhowrayo dhammaan xuquuqaha uu sharcigu u dammaanad qaadayo muwaadinka.