USA: 12 gobol oo maamulka Trump kusoo oogay dacwad la xariirta canshuuraha

24 April, 2025

Dhowr iyo toban dowlad gobaleed ayaa maamulka Trump ka dacweeyay maxkamadda ganacsiga caalamiga ah ee Mareykanka si ay u joojiyaan siyaasadooda canshuuraha, iyagoo ku doodaya in ay tahay sharci darro, isla markaana qalalaaso u horseeday dhaqaalaha.

Labo iyo toban gobol ayaa Arbacadii shalay dacwad ka dhan ah maamulka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ka keenay maxkamadda ganacsiga caalamiga ah ee Mareykanka ee magaalada New York.

Dowlad goboleedyada ayaa doonaya inay joojiyaan siyaasadda canshuuraha ee dowladda federaalka, iyagoo ku andacoonaya inay tahay mid sharci darro ah, isla markaana qalqal ku keentay dhaqaalaha Mareykanka.

Gobolada dacwada soo gudbiyey waxay ahaayeen Oregon, Arizona, Colorado, Connecticut, Delaware, Illinois, Maine, Minnesota, Nevada, New Mexico, New York iyo Vermont.

Dacwadda ayaa caqabad ku ah sheegashada Trump ee ah inuu si sabab la’aan ah u soo rogi karo canshuuro ku saleysan sharciga awoodaha dhaqaalaha degdegga ah ee caalamiga ah.

Gobaladan waxay ka codsanayaan maxkamadda inay ku dhawaaqdo canshuuraha inay yihiin kuwo sharci darro ah oo ay ka hor istaagto hay’adaha dowladda iyo saraakiisha inay fuliyaan.